Amriiki:Waxaa ila soo xiriiray mid kamid ah dhalinyardii isku qarxisay maxkamada gobolka

Abuu mansuur Al-amriiki, ayaa sheegay in Saacado kahor uu lasoo xiriiray mid kamid ah dhalinyardii weerarka ku qaaday, dhismaha maxkamada gobolka Banaadir.

Jariirada Thestar, ee kasoo baxda wadanka Canada, ayaa barta ay Internetka ku leedahay kula xiriirtay Cumar Xamaami, oo Al-shabaabka dhaxdooda looga yaqaan “Abuu Mansuur Alamriiki” waxaana ay jariirada wareysi kala yeelatay muwaadinka Canadian-ka ahaa ee isku qarxiyay maxkamada gobolka Banaadir.

Abuu Mansuur, ayaa jariirada Thestar u sheegay in muwaadinkaas Canadian-ka ahaa ay qadka taleefanka ku wada xiriireen, inta uusan fulin qaraxii Ismiidaaminta ahaa uu naftiisa ku waayay.

Al-amriiki, ayaa bartiisa Twitter-ka ugu sheegay jariirada Thestar, in muwaadinkaas Canadian-ka ahaa markii uu lasoo xiriiray uu si kulul ugu eedeeyay mowqifkiisa xiligaan ku aadan khilaafka kala dhaxeeya madaxda Al-shabaab.

Al-amriiki, ayaa hadalkiisa intaas ku daray in muwaadinkaas Canadian-ka ahaa ee Isku qarxiyay maxkamada gobolka Banaadir, uu ka dalbaday in uu joojiyo Khilaafaadka kala dhaxeeya Al-shabaab, uuna ogolaado amarada madaxda Al-shabaab xabsigana la dhigo.

Abuu Mansuur Al-amriiki, ayaa Khilaafaad xoogan waxa uu kala dhaxeeyaa masuuliyiinta Al-shabaab, kaasoo sanadii soo bilaabmay.

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here