Amnesty International oo sheegtay in qoxootiga Soomaalida ee ku nool Adduunyada ay ku jiraan xaalad xun

Warbixin khamiistii shaley ay soo saartay Amnesty International ayaa lagu sheegay in qoxootiga Soomaalida ee ku nool adduunyada uga horreeyaan kuwo dhibaatooyin badan soo wajaha.

Warbixinta hey’addaha xuquuqda aadanaha waxa ay soo qaadatay Abuukar Cali Cismaan oo Injineer Soomaali ah kuna nollaa mudda dheer dalka ku yaalla waqooyiga Africa ee Libya.

Abuukar waligiis kuma fikirin in uu maalin qoxooti isku diiwangalin doono laakin waa ay dhacday oo labo sanno ka hor ayuu dalkii uu ku noolaa waxaa soo degtay dabeeshii kacdoonda carabta, taasoo keenta in xididada loo rujiyo rajiimkii Qadaafi ee 40-sanno gacanta ku hayay dalka.

Abuukar markii ay ka sii dareen dagaalada Libya, wuxuu isaga cararay dalka isaga xaaskiisa iyo lix carruur ah oo ay dhaleen ayaa u baxsaday dalka Tunisia oo xudun u ahaa kacdoonkii carabta.

Ninkan Soomaaliga iyo qoyskiisa ayaa muddo ku dhow sannad waxa ay qoxooti ku ahaayeen dalka  Tunisia,  laakin hadda wuxuu ku nool yahay dalka Germalka halkaas ayuuuna Amnesty International ugu warramay.

Waxaan ka  imid Soomaaliya,, waxaan soo degay Libya sannadkii 1985-tii, halkaas ayaan ka soo shaqeeyay  annigoo ahaa Injineer iyo barre wax ka dhiga Jaamacada dhexe ee Libya.

Waxaan halkaas kula nolaa xaaskeyga iyo lix carruur ah oo dhammaan ku dhashay dalka Libya ayuu yiri Abuukar oo warramay Amnesty International.

Wuxuu yiri halkaas ayaan ka shaqeenaayay, shaqada caadi ayay ahayd, waxaan ku jiray nolal iska hagaagsan wax walba waa ay fiicanaayeen ilaa bishii February sannadkii 2011, markaas oo ay billwodeen kacdoonkii Libya, xaaladda waxa ay noqotay mid halis ah, waxaan ku nolaa anniga iyo qoyskayga dhismaha Jaamacadda.

Wuxuu yiri Abuukar waxaa billaabatay in Soomaalida iyo dadka kale ee ku noolaa dalka Libaya lagu eedeeyo in ay yihiin calooshood u shaqeestayaal  isla markaana taageesan Qadaafi.

Dad badan ayaa sidaas lagu dilay waxaana na soo wajahday ayuu yiri cabsi ballaaran.

Wuxuu yiri dhowr jeer ayey na soo wajaheen cabsi iyo hanjabaad waxaan sidoo kale ku nooleen meel ku dhow xarmaha ciidamada oo ay xilligaa soo bartilmaameesanaayeen ciidamada NATO ee soo faragaliyay dalka.

Wuxuu yiri markii ay xaaladda ka sii dartay oo dhowr madaafiic ay ku soo dhaceen xarumaha aan daganeen, waxaa billaabnay ayuu yiri in aan isaga barakacno dalka waxaana xilligaas ay ahayd ayuu yiri bishii August ee sannadkii 2011-ka.

Abuukar wuu sii hadlay wuxuu yiri “Ilmahayga midka ugu wayn ayaa igu yiri waan joogeynaa wuxuuna igu yiri “ Halkee aan aadeynaa”? wax aan ku iraahdo ayaan waayay ayuu yiri.

Waxaan soo gaarnay ayuu yuri Abuukar Xadka Tunisia mana ahayn meel si fudud lagu imaan karo waxaan halkaas kula soo kulanay dhibaato badan, maxaa yeelay dad badan ayaan ku soo aragnay waddada oo geeriyooday markii ay waayeen kaalmo, laakin dhibkaas wuxuu ahaa mid noo furan oo aan laga baaqasan Karin.

Abuukar ayaa ugu dambeen wuxuu yiri markii aan soo gaarnay soohdinta, hey’ada qoxootiga QM ee UNHCR  taasoo na geesay buu yiri xerada qoxootiga ee Choucha halkaas oo ay ku nooleen muddo ku dhow han sanno.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here