Ammaanka Uganda oo heegan la galiyay

 

Caasimada Uganda Kampala
Ammaanka Uganda oo heegan la galiyay

Sidda ay qortay Talaadada maanta ah, wakaalada wararka Turkiga Anadolu, booliska dalka Uganda ayaa ka digay weeraro kooxda Shabaab ee dalka Soomaaliya ku qaado goobo ku yaalo dalkaas.

War-qoraal ah oo ka soo baxay ku-xigeenka afhayeenka booliska Onyango Patrick, ayaa yiri “Waxaan helnay akhbaar ka timid sirdoonka taasoo muujineysa in Al-Shabaab ay damacsan tahay in ay soo weerarto Uganda, iyagoona adeegsanaya booyado shidaal”.

Markii u soo baxay warkan waxa aad loo adkeeyay ammaanka dalka gaar ahaan caasimada Kampala, waxaana meel kasta la dhigay ciidamo fara badan.

Uganda ayaa ayey u dirtay Soomaaliya, kuwaasoo la dagaalamaya Al-Shabaab, balse kooxdan xiriirka la leh Al-Qaacida waxa ay lee yihiin ilaa inta ciidamada Uganda laga soo bixinaayo Soomaaliya weerarada waa socon doonaan.

Bishii July 2010, Al-Shabaab waxa ay labo weeerar ku qaaday Kampala iyadoona ku dishay 79 qof kuwaasoo dhammaan ahaa dad daa.

Uganda Soomaali badan ayaa ku nool, waxaana marka digniino noocan oo kale ay soo baxaan walwal ka muujiya Soomaalida halkaas ku nool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here