Ammaanka Muqdisho Oo Aad Loo Adkeeynayo

Taliyaha ciidamada Nabadsugida Gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg oo maanta saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu kadhawaajiyay in ammaanka magaalada Muqdisho aad loo adkeynayo.

Taliyaha ayaa sidookale sheegay in heegan lagaliyay dhamaan qeybaha kala duwan ee ciidamada si loga hortago weeraro ay Kooxda Al-sshabaab laga yaabo ineey ka geystaan magaalada inta uu socda shirka Ergada ansixineysa Dastuurka.

Taliyaha ciidamada Nabadsugidda ayaa wuxuu tilmaamay in 54-isgoos oo ku yaala Muqdisho la dhigay ciidamo isugu jira Booliis Nabadsugida iyo Milateri kuwaasi oo adkeynaya ammaanka caasimda Muqdisho oo dhawaan la filayo inay martigelinayso shir lagu ansixinayo Dastuur uu yeesho dalka Soomaaliya.

Khaliif Ereg ayaa intaas ku daray ineey jiraan Ciidamo aan hubeysneen oo ujooga goobaha ay dadka isugu imaadaan iyo isgoysyada si buu yiri loola socdo kooxaha dhagarqabayaasha ee hagardaamada ku wada nabada magaalada Muqdisho.

waxaa xusid mudan in maalmo kadib magaalada muqdisho uu kafurmi doono shirka lagu ansixinayo Dastuurka cusub ay Soomaaliya yeelan doonto kaasoo uu muran badan kataaganyahay qodobo kujiro.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here