Ammaanka magaalada muqdisho oo aad loo adkeeyay

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay xoojisay ammaanka magaalada caasimadda ee Muqdisho, saacada ka hor shirka lagu ansixinaayo destuurka.
Waxaa saakay wadooyinka magaalada muqdisho oo ay soo buux dhaafiyeen Ciidamada booliska,nabadsugida,milatariga kuwaas oo mid mid ubaaraya gaadiidka iyo dadka saaran, sidoo kale waxaa la arkayay iyagoo haweenka wata indhoshareerka kafuraya isla markaas digniin ku siinaya ineey markale soo xirtaan indho shareerka.
Waxaa la filayaa in xubnaha ergooyinka ay yeeshaan kulanka lagu ansixinayo dastuurka cusub ee lagu wado iany Soomaaliya yeelato.
In ka badan 50 isgoysyada caasimadda Muqdisho ayaa la dhigay ciidamo booliis ah.
Taliyaha booliiska Gobolka Banaadir, General Axmed Xasan Maalin, oo u warramay BBC ayaa sheegey in aanay dareemin wax cabsi oo amaan xumo ah, balse ay qaadeen talaabadani amaanka lagu sugayo shirkaasi dartiis.
Xubnaha ka kooban 825 ayaa la filayaa in sagaal maalmood gudahood ay ku ansixiyaan destuurka.
Madaxda Somalia waxay haystaan muddo ka yar bil si ay u soo gaba-gabeeyaan howlaha loo baahanyahay si loo soo afjaro xilliga kumeel gaarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here