Ammaanka magaalada Muqdisho oo aad loo adkeeyay

imagesTan iyo markii Maraykanka uu soo saaray Jimcihii digniin ku saabsan in Al-Qaacida ay weerar ku qaadi karto 21-safaarado oo uu ku lee yahay waddamada Islaamka, waxaa aad loo adkeeyay ammaanka waddamo ku yaalla gobalka sida Soomaaliya iyo Kenya.

Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maalmahan ka socday howlgalo ammaanka lagu xoojinaayo sidaas oo tahay haddana waxaa tan iyo shaley magaalada lagu arkay ciidamo fara badan.

Waxaa la xiray wadooyin muhiim ah oo ku yaalla magaalada, waxaa la sameeyay howlgalo dad iyo wax yaabaha qarxa lagu soo qabtay.

Arrintan ayaa ka dambeesay markii Maraykanka uu sheegay in uu helay macluumaad ku saabsan in Al-Qaacidada Gacanka Cadan ay weerar la damacsan tahay safaararado iyo qunsuliyado uu ku lee yahay waddamo ay ka mid yihiin Yemen, Saudi Arabia iyo Afghanistan.

Dhammaan 21-ka safaarad ee Maraykanka uu ku lee yahay waddamo ku yaalla Waqooyiga Afrika iyo Bariga dhexe ayaa la xiri doona maanta oo Axad ah sababo la xiriiro dhinaca ammaanka.

Sidoo kale Maraykanka ayaa ugu baaqay muwaadiintiisa ku sugan waddamadan in ay ka foyignaadaan weeraradaas oo ay geesan karaan Al-Qaacida iyo xulafadooda.

Sidoo kale, waxaa shaley digniin lamid ah tan Maraykanka soo saaray hey’adda booliska adduunka ee Interpol, waxaana ay sheegeen in weeraro ay ka dhici karaan waddamada caalamka.

Interpol ayaa digniintan ugudbisay 109-ka wadan ee xubnaha ka ah.

Haddaba waxaa arrintan ay saameen ku yeelatay waddamada gobalka sida Kenya, Uganda iyo Somalia waxaana la adkeeyay amamanka goobaha muhiimka ah.

Tallaabada dowladda Soomaaliya ayaa lagu micneeyay iyadoo hadda ka hor digniin ka timid dowladda Britain oo ahayd in Al-Shabaab ay weerar ka fulineyso Muqdisho dowladduna aysan digniintaas u hoggansami weysay, waxaana ay keentay in weerar lagu qaaday xarumaha garsoorka, halkaasoo dad badan lagu dilay.

Dad badan oo ku xeel dheer arrimaha ammaanka waxa ay lee yihiin ammaanka magaalada Muqdisho wuxuu ku dhow yahay in uu faraha ka baxo.

Magaalada waxaa ka dhaca dilal qorsheesan iyo qaraxyo kuwaasoo ka dhaca magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here