Ammaanka Madaxtooyadda Somaliya oo si wayn loo adkeeyay [Warbixin]

Mogadishu (Midnimo)-Waxaa si wayn loo adkeeyay ammaanka Madaxtooyadda Somaliya, iyadoo ciidamada Koofi gaduuda ee sida gaarka ah u ilaaliya Madaxtooyadda feejignaan sare la geliyay.

Ciidanka Madaxtooyadda ayaa xiray wado marta dhabarka dambe ee Iskuulka 15-May halkaasi oo ay mari jireen gaadiidka shacabka iyo Mootooyinka Bajaajta, kadibna ay uga dhici jireen wadada Isgoyska Boondheere.

Ciidamada Koofi Gaduuda ee ku sugan dhabarka dambe ee Madaxtooyadda ayaa ku jira feejignaan dareen sare leh oo ku aadan gaadiidka mara wadooyinka gadaal ka mara Madaxtooyadda Somaliya.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Madaxtooyadda ayaa sheegay inay jiraan warbixino dhanka ammaanka ah oo soo gaaray Saraakiisha Sare ee ciidanka Koofi Gaduuda, taasina ay keentay in ciidamada feejignaantaan ay galaan.

Sidoo kale waxaa si wayn loo adkeeyay ciidamada Booliska ee ku sugan dhabarka dambe ee xarunta Baarlamaanka, gaar ahaan wadada aada halka loo yaqaan Shimbiraale, halkaasi oo si wayn gaadiidka ay ugu baaraan, qaarna ay waydiiyaan aqoonsiyadda dowladda.

Tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Sabtidii ka dhacay Hotelka Naasa Hablood 2 ee Degmada Xamar weyne waxaa jira in si wayn loo adkeeyay xarumaha muhiimka ah ee dowladda ay ku shaqeyso sida, Baarlamanka, Madaxtooyadda iyo xarunta Aqalka Sare ee dalka.

Al Shabaab ayaa sheegay inay kordhinayaan weerarada ay ka gaysanayaan Magaalada Muqdisho, ayna beegsanayaan meel kasta oo madaxda dowladda ay ku sugan yihiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here