Ammaanka Goobta Lagu Ansixinayo Dastuurka Oo La Adkeynayo

Iyadoo 21-ka Bishan lagu wado in Magaalada Muqdisho uu ka dhaco shirka lagu ansixinayo Dastuurka cusub ee uu dalku yeelanayo ayaa wasaaradda arrimaha Gudaha iyo amniga Qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya waxa ay shaacisay in la bilaabayo howlaha lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho iyo goobaha shirarka lagu qabanayo.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya C/Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maanta laga bilaabo hay,adaha ammaanka ay bilaabi doonaan sugidda ammaanka goobaha shirka uu ka dhacayo.

Wuxuu sheegay in ammaanka goobta shirka uu ka dhacayo ammaankiisa ay si buuxda u xaqiijiniyaan ciidamada dowladda Soomaaliya ee isugu jira Booliiska iyo Nabadsugidda iyo Milateriga.

C/Samad Macalin Maxamuud Sheekh Xasan Faarax ayaa tilmaamay in goobta shirka uu ka dhacayo uu galiyo kaliya qof aqoonsi ka wata dowladda,laakiinse uusan galayn qof aan aqoonsi ka wadan dowladda Soomaaliya.

Hadalka Wasiirka arrimaha Gudaha iyo amniga qaranka xukuumadda KMG Soomaaliya ayaa kusoo aadaya xilli dowladda ay isku diyaarinayso shirka ansixinta dastuurka oo bishan gudaheeda dhacayo iyadoo shalay dhamaan hay,adaha ammaanka dowladda ay yeesheen kulan looga hadlayo ammaanka Goobta uu shirka ka dhacayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here