Ammaanka Ethiopia oo la adkeeyay kaddib markii la helay warar sheegaya weerarro ka yimaada Al-Shabaab

Ethiopia_shaded_relief_map_1999,_CIASida ay qortay maanta oo Arbaco ah, wakaalada wararka Reuters, Dowladda Ethiopia  ayaa adkeysay ammaanka dalkeeda, kaddib markii la helay warar sheegaya in Al-Shabaabka Soomaaliya ay damacsan yihiin weerarr ay ka geestaan gudaha dalkaas.

Warkan ayaa soo baxay markii ay ka soo wareegtay seddax toddobaad qarax ka dhacay gurri ku yaalla xaafadda Bole ee magaalada Addis Ababa, kaasoo dilay laba qof oo la sheegay inay Soomaali ahaayeen .

 “Waxaa jirra calaamado waaweyn oo muujinaya in kooxda Al-Shabaab iyo kuwo kale oo argagaxiso ah oo ay taageerayso Eritrea ay doonayaan inay weerarro argagaxiso ka geystaan dalkeenna,” ayaa lagu sheegay war-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen hay’adda nabad-sugidda iyo ciidanka booliiska Ethiopia.

Al-Shabaab ayaa horay u sheegtay in ay weerarri doonto Ethiopia oo ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya si la mid ah waddamada Uganda, Burundi iyo Kenya oo ay ciidammo oo ciidamo ku deeqay howgalka AMISOM.

Xukuumadda Addis Ababa ayaa inta badan eedeymo u jeedisa dowladda ay dariska yihiin ee Eritrea, taasoo uu kala dhexeeyo dagaal sannado badan socda, inkastoo xukuumadda Asmara ay dhowr jeer oo hore beenisay inay taageerto Al-shabaab iyo kooxo kale oo argagaxiso ah.

Dowladda Ethiopia ayaa sidoo kale sheegtay in ay ciidamadeedu  aad uga feejigan yihiin tallaabooyinka ay argagixisadu qorshaynayaan, ayna ka hor tagi doonaan.

Digniintan ayaa ku soo beegemeysa iyadoo bishii September ee sannadkan  ay sheegtay Al-Shabaab mas’uuliyadda weerarkii xarunta laga dukaameesto ee Westgate Mall ee magaalada Nairobi, oo ay ku dhinteen 67-qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here