AMISOM:Wax baan ka qabaneeynaa amaanka Muqdisho

Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Cali Aadan Xumud, oo maanta shir jaraa’id u qabtay warbaahinta, ayaa waxa uu kaga hadlay xaalada amaan ee magaalada Muqdisho, waxaana uu dhanka kale soo dhaweeyay shirkii maalin kahor lagu soo gaba gabeeyay magaalada London.

Xumud, ayaa sheegay in dib looga fiirsan doono falalkii amaanka lidiga ku ahaa ee ka dhacay magaalada, waxaana uu qeexay in arintaas ay hada ku gudo jiraan.

Booliska AMISOM iyo kan Soomaaliya ayuu sheegay ineey iska kaashan doonaan siyeeysan u dhicin mar danbe dhacdooyina maalmahaan kusoo laa laabta Muqdisho, waxaana uu shacabka Soomaaliyeed ka dalbaday ineey taageero umuujiyaan.

“Ayaan darro wixii dhacay waan uwada joognay, dib baana looga fiirsanayaa, dib baa looga wada tashanayaa wixii dhacay ineeysan dib u dhicin, waana lagu jiraa hoowsheeda” sidaa waxaa yiri Korneyl Cali Aadn Xumud.

Afhayeenka, ayaa dhanka kale soo dhaweeyay shirkii 7da bishaan lagu qabtay magaalada London laguna soo gaba gabeeyay islamaalinkaas, waxaana uu sheegay in shirkaasi uu ahaa mid guul u ah umada Soomaaliyeed.

Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay ahaa mid kasoo xumaanaya sidiisii hore, iyadoo aad moodo in doowlada qudheeda ay buun buunisay cabsida laga qabo Al-shabaab, islamarkaasna ay xirtay wadooyinkii halbowlaha u ahaa isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here