AMISOM:Looma dhutin doono Ciidamada Ethiopia ee isaga baxay Xudur

AMISOM ayaa sheegtay inaan loo dhutin doonin Ciidamada Ethiopia ee isaga baxay gobolka Bakool, haatana lahadalhaayo ineey isaga baxaan gobolka bay.

Taliyaha Ciidamada midowga Afrika AMISOM, Andrew Gutti, oo lahadlayay wakaalada wararka ee AFP, aya sheegay in askarta AMISOM, ay diyaar u yihiin ineey xaqiijiyaan amaanka deegaanada haatan lahadal haayo ineey isaga baxaan Ciidamada Ethiopia ee ku yaala gobolada Bay iyo Bakool.

Gnerel Andrew Gutti, ayaa sidoo kale shaaciyay, in Ciidamada AMISOM ay awood u leeyihiin in howlgaladooda ay kasii wadaan gobolada Koofur galbeed ee dalka Soomaaliya, hadiiba ay dhacdo in Ciidamada Ethiopia ay Soomaaliya kabaxaan iyo hadii kalaba.

Sidoo kale Andrew Gutti, ayaa shanka kale sheegay in shacabka ku nool gobolada Bay iyo Bakool uu ku qancinayo ineeysan arki doonin dhibaatadii Al-shabaab ee horay looga dulqaaday, islamarkaasna haatan aysan qabin wax cabsi ah oo laxiriirta ineey shabaab uga baxaan magaalooyinka goboladaasi ku yaala.

Hadalka Taliyaha AMISOM ka soo baxay, iyadoo Axadii lasoo dhafay Ciidamo Ethiopian ah oo ku sugnaa degmada Xudur ay kabaxeen, waxaana mardanbe halkaas la wareegay Al-shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here