AMISOM:Al-shabaab si deg deg ah ayaan uga saareeynaa inta udhaxeeysa Muqdisho iyo Baydhabo

James Wamalo, oo kamid ah saraakiisha ciidamada AMISOM ee kusugan gobolka Shabeelada Hoose oo warbaahinta lahadlayay ayaa sheegay inuu socdo qorsho balaaran oo Al-shabaab loga saarayo qaybo katirsan gobolka Bay iyo Shabeelada Hoose.

Wamalo, ayaa intaas kusii daray in qorshahaas waqti dhow lasoo gaba gabeeynayo.

“Hadda waxaan ognahay goobaha ay ku dhumaaleeysanayaan Al-shabaab, waxaa socdo oo gaba gabo maraya qorshihii lagu furi lahaa wadooyinka isku xira Muqdisho iyo Baydhabo, waxaan ku faraxsanahay ladagaalanka Al-shabaab iyo lashaqaynta ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya” sidaa waxaa yiri James Wamalo oo katirsan saraakiisha AMISOM oo wareeysi siinayay warbaahinta Muqdisho.

Qaybo kamid ah wadada xiriirisa Muqdisho iyo Baydhabo ayaa hada waxaa kusugan dagaalyahanada Al-shabaab kuwaasoo caqabad ku ah isku socodka dadka iyo gaadiidka isticmaala wadadaas.

Ciidamada is garabsanaya ayaa dhowr mar isku dayay howlgalo laysugu furayo wadadaan laakiin waxay ku dhamaadeen fashil iyo guuldaro kadib markii ay dagaalo adag kala hor imaadeen Al-shabaab oo iyaga wali maamula qaybo katirsan gobolada Bay iyo Shabeelada Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here