AMISOM oo xoojineyso amaanka goobaha lagu qaban doono shirka Ansixinta Dastuurka

Taliska ciidanka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM, ayaa sheegay in ay si aad ah xil isaga saari doonaan ilaalinta goobaha lagu qaban doono Shirweynaha lagu Anisixin doono Dastuurka Qabyo-qotaalka Soomaaliya.

Afhayeenka AMISOM, Pady Ankunda oo maanta la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay xooga saari doonaan sidi uu nabad ugu dhamaan lahaa shirkaasi oo lagu wado in lagu qabto xarunta gaadiidka booliska ee degmada C/casiis ama xarunta baarlamaanka ee Golaha Shacbaka.

“Waxaan ku dadaali doonaa sidi aan u sugi laheyn amaanka 850-ka ruux ee la filayo in 15-ka May isugu yimaadaan ansixinta dastuurka, waajibkayagu waxa weeyaan in aan xil iska saarno amaanka magaalada Muqdisho iyo dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri.

Shirka lagu ansixin doono dastuurka ayaa muhiim u ah dowlada KMG Soomaaliya ee uu haatan waqtigeedu sii dhamaanayo, waxaana jirta cabsi laga qabo in ay Al Shabaab qatar geliyaan shirkaasi, iyadoo dhawaan afhayeenka Shabaab uu sheegay in ay beegsan doonaan odayaasha ka qeybgali doona shirkaasi.