AMISOM oo xirtay Indhacade

Ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta barqadii waxa ay xireen Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, sidoo kalena soo noqday wasiiru-dowliha gaashandhigga xukuumadii Cumar Cabdirashiid.

Ciidamada AMISOM ee jooga magaalada Muqdisho ayaa maanta barqadii waxa ay xireen Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacade oo ka mid ahaa hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho, sidoo kalena soo noqday wasiiru-dowliha gaashandhigga xukuumadii Cumar Cabdirashiid.

Xariga Indhacade ayaa yimid kadib markii uu isku dayay inuu is hortaag ku sameeyo howlaha garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, kadib markii uu isku dayay in iyagoo la baarin dad uu doonayay inuu ka dhoofiyo garoonka Aada Cadde ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil ku sugan garoonka ayaa warbaahinta u sheegay in xariga Indhacade uu yimid markii ciidamo uu watay uu ku amaray inay xiraan albaabka laga galo garoonka diyaaradaha, taasna ay keentay in lagu fooraariyo dhammaan qoryihiin AMISOM u tallaay garoonka dabadeena la xiray isaga iyo ciidankiisa.

Wararkii u dambeeyay waxa ay lee yihiin Inacade waa la sii daayay, waxaana lagu amray in uu garoonka ka tago, iyadoo aan la ogeyn in dadkii la socday ee rabshadu ay ka bilaabatay inay ka dhoofeen garoonka iyo in kale.

Indhacade ayaa wuxuu ka mid ahaa Hogaamiye kooxeedyadii ka mid noqday Maxkamadihii Islaamka, isagoo sidoo kalena ka mid noqday madaxdii xisbul Islam oo dagaal la galay Al-Shabaab.

Ma jiro hadal kasoo baxay Yuusuf Indhocade oo ku saabsan xarigiisa sidoo kalena kama aysan hadlin arintan Madaxda Dowladda iyo kuwa AMISOM oo xiray isaga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

1 COMMENT

  1. Caqliga hogamiye koxeed ama dagaal oogi weli meesha xumayd ayuu taganyahay foodo, dhac iyo burbur ayuu u bartay.
    Su’aal nabada hadda xamar ka jirta ma mid dadka xamar degan rabaan baa mise waa mid Taangiga AMISOM ku dhisan????????

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here