AMISOM oo xaqiijisay in ay qabsatay deegaanka Xarboole

War saxaafadeed laga soo saaray xarunta ay AMISOM ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in ay la wareegeen deegaanak Xarboole ee gobolka Jubada Hoose.

Kadib howlgal ay ciidamada AMISOM ee Kenya iyo kuwa Dowlada KMG iyo maleeshiyada deegaanka ee Raaskambooni ku qaadeen deegaanka oo 6-km u jira deegaanka Niido ayey ku sheegeen AMISOM in in ay kala wareegeen Al Shabab.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya, Andew Guti ayaa sheegay in qabashada ay kusoo aaday xilli dalka uu ku jiro xaalad saxaasi ah.

Dagaal shalay ka dhacay Xarboole ayaa la sheegay inuu dhaliyey qasaaro nafeed oo xoog leh oo soo kala gaaray dhinacyadi dagaalamay.

Wuxuu kusoo aaday maalin kadib marki ay Soomaaliya yeelatay dowlad rasmi ah iyo madaxweyne cusub.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here