Amisom oo weerareyso Afgooye

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee jooga Soomaaliya (AMISOM) ayaa sheegay in ay qorsheynayaan sidi ay u weerari lahaayeen magaalada Afgooye oo hada ah deegaanka ay ugu awooda badanyihiin Al Shabaab.

Taliye ku xigeenka ciidamada Amisom Audace Nduwumunsi ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in in ciidamadu ay hada wadaan diyaargaroowgi ugu danbeeyey oo ay ku weerarayaan Afgooye oo 30-km dhanka galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Afgooye iyo deegaanada ku xeeran ayaa waxaa ay marti geliyaan boqolaal kun oo qoys oo ka barakacay dagaalada ka dhacay Muqdisho kuwaasi oo hada deegaan ka dhigtay.

“Dagaalka Afgooye mar dhaw ayey bilaaban doonaan, laakin waxay ku xirantahay daruufaha, waxaan ku dadaali doonaa sidi aan uga hor tagi laheyd in aan qasaaro gaarsiino dadka rayidka ah,” ayuu yiri Nduwumunsi oo la hadlay AFP inkastoo uusan sheegin waqtiga rasmiga ah ee weerarka.

Inta badan gobolada koonfureed ee dalka Soomaaliya waxa gacanta ku haya Al Shabaab oo dagaal kula jirta dowlada KMG Soomaaliya oo taageero ka hesho Qaramada Midoobay.

Amisom ayaa waxaa ka jooga dalka Soomaaliya ciidamo gaaraya  9,700 oo askari kuwaasi oo ka kala socda dalalka Burundi, Djibouti iyp Uganda.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.