AMISOM oo warsaxaafadeed kasoo saartay xaalada Bay & Bakool

Warsaxaafadeed maanta kasoo baxay AMISOM, ayaa lagu sheegay in AMISOM ay la socoto dhaqdhaqaaqa iyo isbedaladii ugu danbeeyay ee gobolka Bay iyo Bakool kadhacay, gaar ahaan kabixitaankii ay Ciidamada Ethiopia isaga soo baxeen magaalada Xudur.

Warsaxaafadeedka AMISOM maanta kasoo baxay ayaa lagu sheegay in ay si dhow ula socdaan sbedelkii u danbeeyey, kadib markii ciidamada Itoobiya ka baxeen magaalada Xuddur gobolka Bakool”, waxaana AMISOM sheegtey in si dhaw ay ula shaqeyn doonaan ciidamada Dowladda Federaaliga ah ee Soomaaliya, dedaalka ay wadaan si loo sugo amniga goboladaas.

“Waxaan si adag u canbaareyneynaa gawricii loo geystey mid ka mid ah culimada Xuddur, kaas oo kooxda al-Qaacida u shaqeysa ee al-Shabaab ay fuliyeen, waxaan la shaqeyneynaa Ciidanka Qaranka Soomaaliya, si loo xaqiijiyo amniga, loona soo celiyo, dhulka ka baxay gacanta Dowladda”. Sidaa waxa yiri General Andrew Gutti., oo ah taliyaha ugu sareeya Ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM.

General Gutti ayaa hadalkiisa ku daray
-Waxaan qaadaney go’aan aan ku damaanad qadayno in wax laga qabto gobolada Baay & Bakool, taas oo lala wadaagayo Ciidanka Qaranka Soomaaliya, si xasiloonida iyo Amniga goboladaasi ay yiiin kuwo sugan, muddada ciidamada Itoobiyaanku baxayaan, waxaan wadnaa dib u eegid in Ciidamada AMISOM loo daabulo Goboladaas iyo weliba gobolka Hiiraan, anaga oo ku kalsoon in aan buuxin karno baahida jirta”

AMISOM ayaa ugu danbeyntii baaq u dirtey dhamaan Malayshiyaadka kooxaha ee hubeysan waxaana laga codsadey in ay hubka dhigaan, kuna wareejiyaan ciidanka Dowladda iyo AMISOM, kuwa sidaas sameeya waxaa loola dhaqmayaa si wanaagsan oo waafaqsan sharciga caalamiga ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here