AMISOM oo tababar u soo gabagabeysay xubno ka tirsan baarlamaanka

Howgalka AMISOM ee dalka Soomaaliya ayaa soo afjaray tababar socday afar maalmood kaasoo loo qabtay xildhibaanno ka tirsan guddiga arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Tababarkan ayaa wuxuu ka dhacay xarunta Xalane ee magaalada Muqidsho,  waxaana ka qeyb-galay xildhibaanno, shaqaale ka tirsan baarlamaanka, khubarro ka socday gobolka, iyo xubno ka tirsan waaxda rayidka ah ee AMSIOM ayaa lagu baray xildhibaannada qodobbo ay ka mid yihiin kormeerka iyo ammaanka.

Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa ku ammaanay xildhibaannada sida ay u muujiyeen dadaalka muddadii uu socday siminaarka, wuxuuna ku celiyay ballaanqaadii AMISOM ee ahaa inay si dhow ula shaqeyneyso baarlamaanka.

“Dadaalladeenna iyo hindiseyaasheenna waxaan uga gol leennahay taageeridda hay’adaha dowladda ee sida firfircoon ugu lugta leh xoojinta ammaanka iyo xasilloonida ilaa hadda la gaaray,” ayuu yiri Danjire Annadif.

Wuxuu intaas raaciyay in baarlamaanka uu haysto taageerada shacabka ayna muhiim tahay in kalsoonida shacabka laga faa’iideysto, looguna baddalo faa’iidooyin la taaban karo oo shacabka wax loogu qabanayo.

Guddoomiyaha guddiga arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee baarlamaanka, Fowsiya Maxamed Sheekh ayaa sheegtay inay aqoonsan yihiin dadaallada AMISOM, ayna u tixgelinayaan siminaarka aasaaska iskhaashi waara oo dhex mara baarlamaanka Soomaaliya iyo Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Si kastaba, ugu dambeen waxaa goobta la sheegay in AMISOM ay qalab isugu jira kumbuyuutarrada gacanta lagu qaato, kuwa miiska iyo mashiinnada daabacadda ku wareejiso guddiga arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee baarlamaanka oo la sheegay inuu isu diyaarinayo wax ka qabashada arrimaha ammaanka iyo maamulka dalka oo dhan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here