AMISOM oo soo dhoweeysay gudiga doowlada umagacaawday arinta Dhuxusha

Afahyeenka ciidamada AMISOM Korneyl Cali Aden oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay AMISOM ka go’antahay wax ka qabashada dhoofinta dhuxusha Kismayo.

Afhayeenka ayaa carabka ku dhuftay in AMISOM ay raali ka tahay, soona dhaweynayso guddiga ay dowladda Soomaaliya u saartay  arrimaha Jubbooyinka.

“AMISOM waxay aad raali uga tahay ayna soo dhoweeyneeysaa doowlada Soomaaliyeed gudiga ay umagacaawday ineey xal kasoo saaraan arinta Dhuxusha Kismaayo dekedeeda taal” ayuu yiri Col Cali Aadan Xumud.

Afhayeenka ciidamada AMISOM oo dhanka kale kahadlayay xaalada amaan ee magalada Muqdisho iyo goobaha kale ee ciidamada doowlada iyo kuwa AMISOM kusuganyihiin ayaa waxa uu qiray in meelaha qaar ay ururka Al-shabaab wali ku suganyihiin islamarkaasna ay ku dhex dhuumanayaan shacabka dhexdiisa, Cali Xumud ayaa sheegay ineey ku dadaalayaan sidii ay wada shaqayn ula yeelan lahaayeen shacabka si laysaga kaashado ladagaalanka Al-shabaab.

“Waxaa la ogyahay inkastoo Al-shabaab meelo badan ay kabaxday shacabka ayay ku dhex dhuumanayaan oo lakala garan la’yahay iyaga iyo shacabka, sidaa li ajligeed AMISOM waxay doonaysaa ineey shacabka si gaar ah ula shaqeeyaan” ayuu yiri Col. Cali Adan Xumud.

Dhinaca kalene Korneyl Cali Aadan, waxa uu sheegay in AMISOM ay ku howlantahay sidii ay u furi lahaayeen waddooyinka isku xira magaalada Muqdisho iyo goobaha ka baxsan caasimadda ee ay gacanta ku hayso AMISOM.

Ugu danbeyntii afhayeenka AMISOM Col Cali Aadan waxa uu tilmaamay in markii ugu horeesay ay madaxda sare AMISOM si weyn usoo dhoweeyeen doowlada uu hogaaminayo madaxweyne Xasan Siikh waxaana si gaar ah uu carabka ugu dhuftay golaha xukuumada cusub ee ka kooban 10ka wasiir taasoo uuq eexay iney tahay mid aad loogu farxo marka laga eego dhinaca tirada iyo tayadaba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here