AMISOM oo si weyn uga hortimid qorsho uu watey Uhuro Kenyatta

Uhuro Kenyatta
Uhuro Kenyatta

Saraakiisha sar sare ee AMISOM iyo Midowga Afrika, ayaa lagu soo waramayaa ineey gaashaanka u daruureen qorshe uu watay Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta, kaasoo shirkii madaxda Afrika ee Addis-Ababa lagu soo gabagabeeyay la tegay qorsho ahaa, in howlgalka AMISOM lagu biiriyo ciidamo cirka iyo kuwo Badda ah.

Saraakiisha AMISOM iyo wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madeira, ayaa la sheegay ineey gudiga amaanka iyo Nabadda ee midowga Afrika gaarsiiyeen ineey darsayaan dalabka Kenya iyo wax ka badelka qorshaha AMISOM oo kadib ay fikirkooda u gudbin doonaan midowga Afrika.

Qorshaha uu wato Uhuro Kenyatta, ayaa ah in ciidamada Cirka iyo kuwa Badda laga qaato kuwiisa.

Uganda iyo Itoobiya, oo ah dalalka ay ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya, islamarkaasina qeybta ka ah howlgalka AMISOM, ayaa iyagu ka gaabsaday dalabka Uhuro Kenyatta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here