AMISOM oo sheegtay in bixitaanka ciidanka Ethiopia ay caqabad ku tahay doowlada Soomaaliya

Afhayeenka Ciidamada AMISOM, Cali Aadan Xumud, oo wareysi siinayay mid kamid ah Idaacadaha Muqdisho, ayaa waxa uu ka hadlay Ciidamada Sierra Leone, ee dhawaan kusoo biiray howlgalka AMISOM, waxaana uu sheegay in tiro kamid ah Ciidamadaas ay ku wajahanyihiin Magaalada kismaayo.

Col. Cali Aadan Xumud, ayaa sheegay in tiro gaareysa 200, oo Askari kana mid ah Ciidamada Sierra Leone, haatan ay kusii wajahanyihiin magaalada Kismaayo, waxaana uu xusay ineey kasoo galayaan dhanka degmada Wajeer, ee dalka Kenya.

“Ciidamada Sierra Leone, waxay kasoo dageen degmada Wajeer, waxaana lagu wadaa ineey ka qayb galaan howlgalka, islamarkaasna ay hoosyimaadaan taliska AMISOM ee jubooyinka ka howlgala” ayuu yiri Col, Cali Aadan Xumud.

Afhayeenka Ciidamada AMISOM, ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay, in kabixitaanka Ciidamada Ethiopia e gobolada qaar ay tahay mid caqabad ku ah doowlada Soomaaliya, waxaana uu ka dalbaday doowlada Soomaaliya, in arinkaas ay kala hadasho doowlada Ethiopia madaxdeeda ugu sareysa.

Cali Aadan Xumud, mayaa dsheegay in kabixitaanka Ciidanka Ethiopia howlgalka ay ka wadaan Soomaaliya uusan waxbo u dhimi doonin ka AMISOM ahaan.

“AMSIOM, inkastooy lasocota sida ay xaalada tahay, arintaasi waa arin saameeyneysa masuuliyiinta doowlada federaalka Soomaaliya, wada xaajood iyo wadahadal baa socda iminka” ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.

Magaalada Kismaayo ee xaruunta gobolka Jubada Hoose, ayaa la sheegay ineey kusii wajahanyihiin Ciidamo ka socda wadanka Sierra Leone, waxana la saadaalin Karin waxa ay kabadali doonaan xaalada Kismaayo, oo ay hada gacanta ku hayaan Ciidamada Kenya oo iyaga magac ahaan wata magaca AMISOM.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here