AMISOM oo sheegtay in ay dileen 60 dagaalyahn oo Shabab ah

Taliyaha hogaaminayey ciidamada AMISOM ee qabsaday degmada Afgooye bishi lasoo dhaafay ayaa sheegay in dagaaladaasi ay ku dileen ilaa iyo 60 dagaalyahan.

Coll. Kayanje Mohanda oo sidoo kale ah taliyaha guutalada lixaad ee ciidamada Uganada ayaa tilmaamay in ay ku qaadatay qabsashada Afgooye ilaa iyo sadex cisho isla markaana ay ku dhabar jebiyeen Al Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ku dilnay dagaaladaasi ilaa iyo 60 dagaalyahan oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab kadib 3 cisho oo aan ku dagaalamaynay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye,” ayuu yiri.

Sarkaalkan ayaa ku adkeysanaya in muhiimada AMISOM ay tahay sidi ay u wada qaban laheyd dhamaan gobolada kale ee haatan ku jira gacanta Al Shabaab, isaga oo ka gaabsaday xiliga ay tagi doonaan degmada Balcad.

AMISOM ayaa saldhig weyn ku leh magaalada Afgooye oo ah magaalo istaraatiiji ah kuna taala dusha wabiga Shabelle.

Afgooye waxaa todobaadki hore laba habeen soo seexday madaxweyne Shariif Sheekh Axmed kaasi oo mudadi uu joogay si gaar ah usoo abaaray dhanka amaanka oo ay cabasho xoogan ka keeneen dadka deegaanka.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.