AMISOM oo Sheegatay in ay la wareegatay Garoonka duyuuradaha Deynile

 Hogaanka  AMISOM ee Magaalada Muqdishpo  ayaa sheegay in howl gal milateri qorsheysan oo ay qaadeen  Ciidamada  Brundi ku qabsadeen Garoonka diyaaradaha degmada Dayniile, kaasi oo ay hoiray Gacanta ugu hayeen Koooxda Alshabaab
War saxaafadeed  uu ku saxiixnaa Taliye kuxigeenka Major Jen. Audance Nduwumunsi ayaa lagu sheegay in weerar xalay ay qaadeen ugu suura gashay inay la wareegaan garoonka diyaaradaha.
Jen. Audance Nduwumunsi ayaa sheegay in Ciidamadooda aanay iska caabin xoogan kala kulmin Al-Shabaab, hase ahaatee garoonka diyaaradaha Dayniile uu ahaa goob Al-Shabaab ka soo abaabuli jireen weerarada qorsheysan .
“Howl galkii xalay oo ay qaadeen Ciidamada  waxaa kula wareegnay garoonka diyaaradaha Dayniile oo Al-Shabaab ku sugnaayeen, waa tallaabo muhiim ah inaan qabsano garoonka diyaaradaha”ayuu ku  yiri Taliye kuxigeenka AMISOM war Saxaafadeedka .
Inkastoo aan War saxaafadeedka lagu sheegin qasaare ka soo gaaray howl galkaas Ciidamada AMISOM, hadana ma jirto war ka soo baxay Shabaab oo ku saabsan sheegashada AMISOM ee la wareegitaanka Garoonkaasi.
Ciidamada AMISOM ayaa dagaaladii ugu cuslaa kala kulmay degmada Dayniile, tan iyo bishii October ee sanadka hore waxay aheyd meel ay aad ugu riiqmeen Ciidamadooda, halkaasoo looga dilay in ka badan 60-askari oo ahaa Ciidamada ka socda dalka Brundi.
Hase ahaatee todobaadyo ka hor weerar qorsheysan oo ay ku qaadeen degmada qeybaha ay ka joogeen Al-Shabaab ayay mar kale ugu suura geli weysay inay guud ahaan la wareegaan degmada oo idil, waxaana jiray iska caabino xoog leh oo ay kala kulmayeen dagaalyahanada Shabaab.
Si kastaba ha ahaatee sheegashadan cusub ee ka soo yeertay Taliska AMISOM ayaan ilaa iyo hada jirin war ka madax banaan oo xaqiijinaya la wareegitaankooda Garoonka diyaaradaha Dayniile.