AMISOM oo saldhigyo rasmi ah ka sameysatay Baydhabo

Ciidamo ka tirsan Midowga Africa ee AMISOM ayaa saldhigyo ka sameystay magaalada Baydhabo kadib marki ay dhawaan gaareen tiro hor dhac ah oo u badan saraakiil.

Ciidamadaan ayaa gaaraya ilaa iyo 200 oo askari waxaana ay saldhig ka sameysteen gudaha magaalada iyaga oo hordhac u ah ciidamo gaaraya 2,500 oo askari oo la wareegi doona amaanka magaalada.

Wariyaal ka mid ah kuwa wakaaladaha wararka ayaa sawiro kasoo qaaday askartaan oo baabuur ku dhexmaraya magaalada iyo iyaga oo jooga xero ay ka sameysteen gudaha magaalada Baydhabo.

AMISOM ayaa kala wareegeysa ciidamada Itoobiya amniga Baydhabo marka lasoo dhameystiro dhamaan askarta oo ka imaan doona dalka Uganda.

Baydhabo ayaa waxaa la wareegay ciidamada dowlada bilowgi sanadkaan iyaga oo kaashanaya kuwa Itoobiya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.