Amisom oo Qirtay in Askar Looga Dilay Dagaaladii Jubooyinka

Ciidamada Amisom oo War qoraal ah oo kazoo baxay ciidamada amisom ee Somalia ku sugan ayaaa lagu sheegay in 5 kamid ah ciidamada Kenya oo qeyb ka ah sida la sheegay nabad ilaalinta ciidamada amisom ee Somalia ayaa lagu dilay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolada jubooyinka.

“shan kamid ah ciidankeena aya la la’yahay waxaa suura gal ah in la dilay oo dagaalka lagu dilay ayuu yiri Taliyaha guud ee ciidanka Amisom General Gutti.

Kenya ayaa dagaal xoogan kula galay gobolka jubada Hoose dagaal yahanada AL Shabab halkaas oo la sheegay in guul daro kala kulmeen isla markasna lagu dilay qaar kamid ah ciidankooda.

Dagaalo u dhaxeeya ciidamada Kenya iyo kuwa somalida oo garab ah iyo dagaal yahanada Al Shabab ayaa ka soconayay maalmihii tagay deegaano ka tirsan gobolka Jubada hoose.

Sikastaba Dowladda Kenya ayaa doonayso in magaalada kismayo ee xarunta gobolka Jubada hoose ay ka saarto dhaq dhaqaaqa AL Shabab kuwaas oo si weyn ugu xoogan magaladaas oo ah magaalo istaratiji ah oo muhiim u ah labada dhinac.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

Midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here