AMISOM oo qiratay Xasuuq ay ka geystay Leego balse Magdhow diiday

922957_548249791880657_509363002_nGudigii loo xilsaaray ineey soo baaraan Xasuuq ay Ciidamada AMISOM ka geysteen Shabeelada Hoose, ayaa dalbaday in AMISOM lasoo taago Maxkamad si markaasi loogala xisaabtamo dhibaatooyinka ay ka geysatay Gobolkaasi.

C/xaashi C/salaan, oo ah Siyaasi Soomaaliyeed kana mid ah Gudi loo xilsaaray ineey Baaritaan ku sameeyaan Xasuuq ay Ciidanka AMISOM ka geysteen deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelada Hoose horaantii Sanadkaan, ayaa waxa uu sheegay in baaritaankaas ay gacan ka geysteen Ciidanka AMISOM.

Waxa uu sheegay Siyaasiga in Ciidamada AMISOM ay qirteen ineey dhibaatadaas geysteen balse ay diideen ineey wax magdhow ah ka bixiyaan.

Siyaasigan ayaa dalbaday in Ciidamada AMISOM ee Xasuuqaas geystay lasoo taago Maxkamad, waxaana uu doowlada Soomaaliya ku dhaliilay ineey ka gaabisay wax u qabashada dadkaasi.

“Ciidamada AMISOM waxay qirteen ineey dhibaatadaas geysteen laakiin hada aysan diyaar u ahayn hada ineey Magdhow bixiyaan, waxay sameeyeen oo Kaliya Tacsi iyagoona xoogaa lacag ah oo Tacsi ah siiyay Odoyaashii deegaankaas kasoo jeeday” sidaas waxaa Yiri Cabdi Xaashi oo kamid ahaa Gudigii loo xilsaaray ineey soo baaraan Xasuuqa AMISOM ay ka geysatay deegaanka Leego horaantii Sanadkaan.

“Wasiirka arimaha gudaha Fadhi aan la qaadanay waxaan u sheegnay dadkaas in la dhibaateeyay Xuquuqdoodana u raadiyaan la rabo maadaama wadanka doowlada iyada masuul ay ka tahay” ayuu hadalkiisa sii daba dhigay.

Cabdi Xaashi, ayaa doowlada Soomaaliya ugu baaqay ineey iska xil saarto qaar kamdi ah dadkaas la xasuuqay oo haatan dhaawacyadooda ay ku dac dareysanyihiin magaalada Muqdisho iyo Shabeelada Hoose.

“Arintaan waxay soo socotay mudo Sanad ah marka waxaan soo jeedinayaa in doowlada dadkaas la dhibaateeyay ay wax qabato, waxaa loo baahanyahay in dadka dalka dhaawacyadooda aan wax looga qaban Karin loo qaado dibada” ayuu yiri Siyaasiga Cabdi Xaashi.

Maalmo kahor ayaa qaar kamid ah warbaahinta Muqdisho waxaa laga sii daayay Codka wiil aad u yar oo kamid ahaa dadkii ay AMISOM ku xasuuqday Leego islamarkaasna xubintiisa taranka ku waayay kaasoo dalka wax looga qaban waayay, wiilkaas ayaa doowlada ka codsaday ineey wax u qabato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here