AMISOM oo qarka u saaran in ay qabsato Afgooye iyo deegaanada u dhaw

Saraakiisha AMISOM ayaa sheegay in ay saakay duulaan ku qaadeen magaalada Afgooye oo qiyaastii 30-km dhanka koonfureed kaga beegan magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Ciidamo badan oo ka tirsan AMISOM oo ay hor socdeen taangiyo iyo baabuurta qafilan ayaa maray wadada ka baxdo duleedka Garasbaaleey ee dusha ka marto deegaanka Ceelasha Biyaha.

Dadka ku sugan Ceelasha Biyaha ayaa soo sheegaya in ay maqlayaan madaafiic iyo xabado u muuqata in la is weydaarsanayo, waxaana wali la hubin halka ay iminka marayaan AMISOM.

Ma jirto wax war ah oo kasoo baxay saraakiisha dowlada oo ku wajahan halkaasi, sidoo kalana Al Shabaab hadal kama aysan soo saariin duulaanka lagu qaaday.

Wixi kusoo kordha kala soco wararkeena danbe.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.