Maamulka gobalka sh/Hoose ee dowlada Soomaaliya ayaa markii ugu horeeysay ku dhawaaqay qorshe hormarin ah ee gobalkaasi ay ka fulinayaan ciidamada Midoowga Africa ee AMISOM.
Cabduqaadir Maxamed Nuur (Siidii ) Gudoomiyaha gobolka Sh/hoose ee maamulka dawlada Somalia oo warfiyeenada kula hadlay Xarunta gobolkaasi waxa uu sheegay inay dhawaan dhismo AMISOM ka bilaabi doonaan sh/hoose.
C/qaadir Siidii waxa uu tibaaxay in ciidamada AMISOM saraakiil kusugan gobolkaasi ay usheegeen in dhawaan howlo dhismo ah kasameyn doonaan waddooyin ka mid ah gobolkaasi.
“Waxay AMISOM noo ballan qaadeen inay dhisayaan wadada isku xirta Shalaanbood iyo marka taasi oo bur bur uu ka muuqanayey ayuu yiri sidii”.
Gudoomiyaha Shabellaha Hoose ee dawlada waxa uu ku amaanay sida mar walbo ciidamada AMISOM ugarab taagan yihiin ciidamada dawlada ee dagaaladana kala soo horjeeda ururka al shabaab.
Howlgalka AMISOM ee Somalia waxa uu soo bilowday sanadkii 2007-dii xilligaasi oo Ugandha iyo Burundi ciidamadii ugu horeeyey usoo direen Somalia xilli waqtigaasi ay dalka kusugnaayeen ciidamadii itoobiya.
AMISOM ayaan looga barin qorsha yaal hormarin ah oo ay ka sameenayaan soomaalya iyado ciidama Midoowga Africa eek u sugan Soomaaliya Looga baratay in ay doowlda Soomaaliya ka caawiyaan ladaagaalanka Kooxda Al-shabaab ee ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya .
Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com