AMISOM oo lagu eedeeyey in ay duqeeyeen saldhig ay leeyihiin ciidanka dowlada

Taliyaha ciidanka dowlada KMG Soomaaliya ee Ex-koontarool Afgooye ayaa ku eedeeyey ciidamada AMISOM in ay si bareer ah madfac ugu dhifteen goob ay ku sugnaayeen ciidankiisa oo u dhaw Xerada Asluubta.

Axmed Cabdulaahi oo ah taliyaha ciidanka dowlada ee isgoyska Ex-koontarool wuxuu sheegay in bamkaasi ay ku dhaawacmeen todobo askari oo sadex ka mid ahi liitaan.

“Falkaan waxaa si kas ah u geystay Burundi, waxaa ku dhaawacmay 7 askari oo sadex ka mid ah xaaladoodu aad u xuntahay, waxay ku sugnaayeen askartaan xarunti hore ee xanaanada xoolaha waxaan kale oo aan diin sheegayaa halka madfaca nalagaga soo tuuray in aysan noo jirin 20 talaab,” ayuu yiri.

Wuxuu ugu baaqay wasaarada gaashaandhiga in sida ugu dhaqsaha badan wax looga qabto, isaga oo ka digay cawaaqibka ka dhalan doona hadii arintaan si dag dag ah aanan loo soo fara gelin.

Ciidamada Burundi ayaa difaac ku leh meel aanan ka fogeyn exradii hore ee asluubta oo ku taala duleedka isgoyska ex-koontarool Afgooye ee magaalada Muqdisho.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.