AMISOM oo la eedeeyay

Talafishanka Al-Jazeera ayaa dhawaan wareysi la yeeshay masuul ka tirsan madaxda ciyaaraha dalka Soomaaliya, kaasoo sheegay in ciidamada nabad ilaalinta AMISOM in ay ku guul dareesteen ka bixitaanka garoonka ciyaaraha Muqdisho.

Guddoomiye ku-xigeenka xiriirka ciyaaraha fudud, Cabdullaahi Maxmed Cabdulle ayaa sheegay in ay AMISOM aheyd inay garoonka Muqdisho ka baxdo 30-kii bishii December ee sanadkii hore 2013-ka.

Wuxuu yiri sarkaalkan ilaa iyo hadda wax ballantaasi oofiyay ma jirto, isagoona intaas ku daray in xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ay u baahan yihiin garoonka maadama dhawaan la qabanaayo ciyaaraha gobalada dalka.

Sido kale Xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa isna sheegay inaysan hadda muuqan sabab ay AMISOM garoonka Muqdisho u sii degganaato, maadaama ay magaalada ammaan tahay, oo aysan aheyn goob ciidan ay isku hor fadhiyaan.

Si kastaba ha ahaatee, AMISOM ayaa garoonka ciyaaraha ee Muqdisho ka dhigatay xarun ciidan 6-dii bishii August ee sanadkii 2011, xilligaas oo ay Al-Shabaab dhammaan isaga baxday caasimada.

Magaalada Muqdisho oo soo martay dagaalo wajiyo badan yeeshay ayaa hadda u muuqataa magaalo ka nasaneysa dagaallo sokeeye iyo xasillooni-darro ka jirtay muddo ka badan 20 sano.

Al-Jazeera ayaa leh Madaxda ciyaarahana Soomaaliya waxay doonayaan inay AMISOM ka baxdo garoonka ciyaaraha ee Muqdisho.

Laakiin AMISOM ayaa cudurdaar u sameyneysa sii joogitaanka garoonka Muqdisho. Afhayeenka AMISOM Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in xaaladda Muqdisho ka jirta aysan suuragal ka dhigeyn inay ka baxaan garoonka.

Afha\yeenka ayaa sidoo kale ka dhawaajiyay marka uu ammaanka wanaagsanaado ay ka bixi doonaan garoonka kubbadda cagta ee Muqdisho.

Inta badan hadda ciyaaraha Soomaaliya waxaa lagu qabtaa garoonka Jaamacadaha ee ku yaalla Muqdisho, mana ahan garoon caalami ah, sidoo kale garoonka Banaadir ee ku yaalla degmada Cabdicasiis waxaa ka socda dib u dhis, waxaana lagu gogolay cowyska macmalka ee la dhigo garoomada caalamiga.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here