AMISOM oo ku dhawaaqday inuu soo gaba gaboobay wajiga koowaad ee howlgalkooda

Taliska ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee Soomaaliya (AMISOM) ayaa ku dhawaaqay in lasoo gaba gabeeyey qeybta koowaad ee howlgalkooda.

Taliye ku xigeenka AMISOM  General Auduence Dmuawnce oo shalay gelinki danbe shir jaraa’id ku qabtay buundada Afgooye ayaa sheegay in wajiga koowaad ee howlgalka Soomaaliya uu kusoo gaba gaboobay Afgooye.

Waxa kale oo uu sheegay in howlgalka oo ay u qeybiyeen sadex uu bilaaban doono waqti uusan sheegin.

“Waxaan soo gaba gabeynay wajiga koowaad ee howlgalka koowaad oo ahaa Muqdisho iyo Afgooye, qeybta labaad waa kan Bay iyo Baool, qeybta kale ee sadexaad waa Kismaayo, iyo Baladweyne oo tan afraad ah, ma rabo in aan sheego waqtiga oo maba la gaarin shaqadaasi,” ayuu yiri sarkaalkaan.

Dhanka kale Mr. Dmuawnce ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay kaalmo dag dag ah lasoo gaaran dadka ku nool Afgooye, isaga oo intaasi ku daray in hada lagu jiro xilli roobaadkii dadka qaarna aysan heysan meel ay gabaad ka dhigtaan.

“Waxaan ugu baaqeynaa beesha caalamka in ay kaalmo bani,aadanimo soo gaarsiiyaan dadka reer Afgooye, hadi ay awal dhihi jireen lama tagi karo hada waa amaan oo waan xoreynay, waxaa lagu jiraa xilligi roobka marka dadku waxay u baahanyihiin kaalmo,” ayuu yiri.

CIidamada dowlada oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa Jimcihi lasoo dhaafay la wareegay gacan ku heynta magaalada Afgooye oo saldhig u aheyd Al Shabaab.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.