AMISOM oo ka Hadashay Dhacdo ay Shacab ku Xasuuqeen Gobalka Shabeelaha Hoose

AMISOM ayaa ka hadashay dhacdo ciidamadooda ay ku xasuuqeen dad shacab ah oo ku sugnaa deegaan lagu magacaabo Jiiro Yasiin oo ka tirsan Gobalka Shabeelaha hoose.

afhayeenka Guud ee cidamada AMISOM Elwa Yaaw oo fadhigiisa uu yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu sheegay xilli uu uwaramaye Idaacada la dhaho kulmiye oo ku taalo Magaalada Muqdisho inay baarayaan falkaasi ciidankooda ay dadka ku laaayeen.

Wuxuu sheegay in xiliyada ay dhacaan dhacdooyinka caynkaan oo kale ah ciidamada AMISOM ay sameeyaan baritaano la xiriira sida ay wax udhaceen iyo sidoo kale dabagal dheeraad ah kadibna ay soo saaran warbixino arimahaasi looga hadlayo.

Afhayeenka guud ee ciidamada AMISOM ayaa sheegay in xilliyada qaarkood Shabaab ay ku dhaxdhuuntaan dadka shacabka ah falka ciidankooda shalay ay sameeyeena ay baarayaan si ay u ogaadaan sida arintu udhacday.

Inkastoo uusan si rasmi ah uxaqiijin afhayenka Guud ee ciidamada AMISOM dilka bareerka ah ay ugeesteen dadka shacabka ah ayaa hadana wuxuu ku nuuxnuxsaday inay sameynayaan baaritaano la xiriira sida ay wax udhaceen.

Shalay ayeey aheyd markii ciidamada AMISOM dad shacab ah ku xasuuqeen Gobalka Shabeelaha hoose deegaan ka tirsan dadkaasi oo ay ku jireen caruur iyo sidoo kale dad waayeel ah.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com

midnimo12@googlemail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here