AMISOM oo ka digtay Al-Shabaab in ay weeraro ka geesato Muqdisho

AMISOM oo ka digtay Al-Shabaab in ay weeraro ka geesato Muqdisho
AMISOM oo ka digtay Al-Shabaab in ay weeraro ka geesato Muqdisho

Magaalada Muqdisho waxaa maanta shir jaraa’id ku qabtay taliyaha Guud ee Ciiddanka AMISOM, Gen. Silas Ntigurirwa.

Wuxuu ka hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin howgaladii ugu dambeeyay ee ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda ay ka ka fuliyeen goobaha Shabaab dalka ay kaga sugan yihiin.

Waxa uu sheegay in hawlgalka wadajirka lagu qabsaday Degmooyinka Rab-dhuure, Waajid, Xuddur, Buur dhuubo iyo Ted.

Mar wax laga weydiiyey dagaalyahannadda Al Shabaab ee ku soo laabanayo magaalladda Muqdisho, waxa uu ku nuuxnuuxsaday inay ka war hayaan inay ku soo qulqulayaan Muqdisho, isla markaana ay tallaabo ka qaadayaan.

Dhinaca kale,General Silas ayaa sheegay in loo baahan yahay in gargaar bini’aadannimo la gaarsiiyo deegaannada la xorreeyay.

Qaramada Midoobay ayaa Jimcihii shalay sheegtay in howlgalka milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab uu sababi karo inay guryahooda ka barakacaan dad lagu qiyaasay 3 milyan oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here