AMISOM oo Howlgal kawada Beladweyne iyo Miinooyin Lasoo Qabtay

Wararka ka imaanaya Magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ciidamada Jabuuti ay ka wadaan miino baaris wadooyinka Magaaladaasi.

Sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka howlgalka ayaa wuxuu ka socdaa xaafado gaar ah sida xaafada Kooshin iyo xaafada Xaawo Taako ee Beladweyne.

Waxaa hakad ku jira dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo isu socadka gaadiidka isaga kala gooshi jiray Gobalada dalka Soomaaliya ee isticmaalaye Beladweyne.

Qalabka lagu baaro miinooyinka ayeey wateen ciidamada Jabuuti waxaana lasoo warinayaa inay soo qabteen miinooyin qaar oo lagu aasay wadooyinka Magaaladaasi.

Saraakiil ka tirsan saraakiisha ciidamada Jabuuti oo aan la xiriirnay ayaan inoo suura gelin inaan helno si aan wax badan uga ogaano howlgalka iyo inta miino ee lasoo qabtay.

Ujeedada ka dambeysay howlgalka ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada Jabuuti lasiiyay xog ku aadan in goobaha ay hada baaritaanka ka wadaan ay ku aasan yihiin miinooyinka.

Ciidmada Jabuuti ee Magaalada Beladweyne ujooga howlgalka AMISOM ayaa dhawaan waxa ay fariisimo ka sameesteen Bartamaha Magaalada si ay uxaqiijiyaan ammaanka Magaaladaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here