AMISOM oo duqeysay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka Muqdisho

Madaafiic ayaa galabta lagu garaacay deegaanka Siinka Dheer ee duleedka magaalada Muqdisho halkaas oo ka mid ah meelaha ugu badan ee ay ku nool yihiin dadki ka barakacay dagaalada magaalada Muqdisho.

Duqeynta oo loo maleynayo in ay sameeyeen ciidanaka AMISOM ayaa ka daneysay marki ay Al Shabab madaafiic hoobiye yaal ah halkaasi kasoo tuureen sida ay sheegayaan dad goob joog ah.

Madaafiic kale ayaa iyana ku dhacay deegaanada u dhaw dhaw sida Taree Dishe iyo xaafado kale oo ay ku suganyihiin dad rayid ah.

Waxaa la sheegayaa inuu jiro qasaaro xoog leh oo gaaray dad rayid ah iyo sidoo kale in madfac uu ku dhacay gaari rakaab ah, hase yeeshee wali ma cada tirada dhabta ah ee ku dhimatay.

Wixi kusoo kordha kala soco Midnimo.com

 

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.