AMISOM oo dagaalki maanta kula wareegtay laba goobood oo muhiim ah

Ciidanka Amisom ee jooga magaalada Muqdisho ayaa kula wareegay dagaalki maanta ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho laba goobood oo muhiim ah.

Ciidanka Burundi ayaa saakay u dhaqaaqay wadada isku xirto Muqdisho iyo Afgooye, waxaana inti ay dhufeysyo ka sameysanayeen deegaanka Cali Janaale ee duleedka degmada Dharkeenleey iyo Dugsiga Shabelle oo yaala meel aanan ka fogeyn Xeradi hore ee ASluubta ee duleedka Ex-Koontarool Afgooye soo weeraray AL Shabaab.

Dagaal socday mudo ka badan hal saac ayey ugu suura gashay AMISOM in ay la wareegaan oo ay fariisimo ka sameystaan deegaanadi ay saakay tageen ee ku yaala duleedka magaalada Muqdisho.
Afhayeenka AMISOM, Pady Ankunda oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyey guusha ay ka gaareen dagaalki maanta, isaga oo arin muhiim ah ku tilmaamay qabsashadi halka loo yaqaano Cali Jannale oo ka tirsan degmada Dharkeenleey oo uu yiri waxa ay muhiim u aheyd garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Afhayeen u hadlay Al Shabaab ayaa xaqiijiyey dagaalka isaga oo wacad ku maray in ay weerari doonaan AMISOM iyo ciidanka dowlada ee fariisinka ka dhigtay deegaanada loo barakacay.

Dagaalka maanta ayaa kusoo beegmaya xilli shalay uu ka dhawaajiyey taliye ku xigeenka ciidanka AMISOM Audace Nduwumunsi in ay weerar ku yihiin degmada Afgooye oo 30-km dhanka waqooyi  galbeed kaga beegan Muqdisho.

 Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.