AMISOM oo ciidanka Itoobiya kala wareegtay amaanka Baydhabo

Ciidamadi Itoobiyaanka ahaa ee ku sugnaa magaalada Baydhabo ayaa galabta saldhigyadi waaweynaa ee ay joogeen ku wareejiyey ciidanka AMISOM.

Sida ay wararku sheegayaan ciidamada Itoobiyaanka ayaa wareejiyey saldhigi ugu weynaa ee ay ka daganaayeen Baydhano ee Warshadii Xaseey sidoo kale waxay wareejiyeen garoonka diyaaradaha.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowlada oo magaciisa ka gaabsaday ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay meel gaar ah oo ka tirsan Baydhabo isugu tageen.

Lama oga in ay u laaban doonaan dalkooda iyo in ay weerar ku qaadi doonaan magaalooyinka kale ee ay gacanta ku hayaan Al Shabaab ee ka tirsan koonfurta Soomaaliya.

AMISOM ayaa waxaa horay uga joogay magaalada Baydhabo ciidamo Ugandes ah kuwaasi oo marba marka ka danbeyso lasii kordhinayey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here