AMISOM oo Baladweyne kula shirtay maamulka gobolka Hiiraan

Saraakiil ka socota ciidamada AMISOM iyo urur goboleedka IGAD ayaa shalay kula kulmay magaalada Baladweyne maamulka gobolka Hiiraan iyaga oo ka wada hadlay arrimo la xiriira xaga amaanka.

Kusimaha gudoomiyaha gobolka Hiiraan Axmed Inji ayaa u sheegay wariyaasha in labada dhinac ay ka hadleen sugida amaanka gobolka iyo sida ugu haboon ee loo soo dhamestirayo ciidamada ka socda dalka Jabuuti ee la dajainayo Baladweyne.

“AMISOM waxay u timid sidi ay noogala hadli lahayd iskaashiga amaanka, waxaan ku balanay in aan meel uga soo wada jeesano cadawga, iyagana waxay naga balan qaadeen in sida ugu dhaqsiyaha badan u wada imaan doonaan ciidamada loogu tala galay Baladweyne,” ayuu yiri.

Ciidamada AMISOM ayaa haatan waxa ka jooga Baladweyne ilaa iyo 100 askari, waxaase la filayaa in maalmaha soo aadan lasoo wada dhameystiri doono sida ay balan qaadeen saraakiisha.

Baladweyne waxaa haatan amaankiisa suga ciidamo Itoobiyaan ah kuwaasi oo ka bixi doona gobolka marka ay AMISOM si buuxda ula wareegto.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.