Amisom oo baareyso duqeynti Masaajidka Al Hidaaya

Taliska AMISOM ayaa sheegay in ay baarayaan duqeymo la sheegay in habeenkii Sabtida ay ciidamo ka tirsan AMISOM u geysteen masaajidka Al Hidaaya ee maagalada Muqdisho kaasi oo geystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac ahba leh.

Duqeyntaasi ayaa waxa ku dhintay 2 ka mid ah culimada tabliiqa, halka ay ku dhaawacmeen afar kale oo iyana ka mid ahaa wadaadada tabliiqa.

Taliyaha ciidanka AMISOM Maj. Gen. Fred Mugisha, ayaa tacsi u diray qoysaska dadki ku dhintay dhacdadaasi isaga oo inta dhaawaca ahna u rajeeyey inay si dhaqso ah usoo bogsadaan.


Mr Mugisha ayaa sheegay in ay baari dooanaan dhacdadaan isaga oo intaasi ku daray in aysan raali ka aheyn in la beegsado dadka rayidka ah.

“Masjidka Alhidaya waxa uu 2km ka fogyahay bartilmaameedyada AMISOM ee ay weerarka kasoo qaadaan mucaaradka marka anaga bartilmaameed nooma ahan,” ayuu yiri.

Ciidamada AMISOM ayaa horay loogu eedeeyey tacadiyo u badnaa duqeyn iyo rasaas ay ku fureen dad rayid ah kuwaasi oo ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah magaalada Muqdisho.