AMISOM oo baareyso dadki lagu laayey Janaay Cabdalla

AMISOM ayaa sheegtay in ay baaritaan ku sameyn doonto dadki shalay lagu laayey deegaanka Janaay Cabdalla ee duleedka Magaalada Kismaayo.

Todobo ruux oo rayid ah ayey ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM intey meel isugu geeyeen ayey toogteen, arintaasi waxaa aad uga xumaaday saraakiisha ciidanka Dowlada ee halkaasi ku sugan.

Afhayeenka AMISOM Coll. Cali Adan Xamud ayaa u sheegay wariyaasha Soomaalida in arintani la baarayo cidi lagu helana talaabo laga qaadi doono.

“Arintaasi koleey AMISOM waxay geysato mas,uuliyadeeda way qaadataaa, wixi soo baxa oo cad iyada ayaa macneyn doonto, hadii arinti ay sax noqoto talaabo ayaan ka qaadi doonaa,” ayuu yiri.

Ciidanka AMISOM ee Kenya ayaa horay loogu eedeeyey duqeyn aanan loo meel dayin oo ay ka geysteen deegaano badan oo ku yaala koonfurta Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here