AMISOM oo 7 ruux oo rayid ah ku si ula kac ah ugu dishay Jubada Hoose

7 ruux oo rayid ah ayaa si ula kac ah shalay loogu dilay deegaanka Janaay Cabdalla ee duleedka magaalada Kismaayo kadib marki ay laayeen ciidamada Kenya.

Dadkaan ayaa hal meel la isugu soo aruuriyey wax yar kadib marki uu dhamaaday dagaal halkaasi ku dhexmaray Al Shabab iyo ciidamada is garabsanaya ee kuwa dowlada iyo AMISOM ee Kenyanka ah.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Dowlada oo lagu magacaabo Col. Xirsi ayaa arintaasi xaqiijiyey isaga oo ku tilmaamay ficil laga xumaado oo qaldan.

“Dagaal baa meesha ka dhacay kooxihii nabad diidka ahaa baa soo weeraray, labo ayaa laga dilay, markii dagaalka dhacay dadka shacabka ayaa meelo gaar laga soo uruuriyay, waajibaadka waxay aheyd in la wareysto cidii dambi leh iyo cidii kale, cidna ayagoo ku simin ayay laayeen, waana cambaareyneynaa”ayuu yiri Aadan Maxamed Xirsi oo ka mid ah Saraakiisha dowladda ee Jubooyinkia.

Kenya ayaa lagu eedeeyaa in ay si kas ah u disho qof kasta oo Soomaali ah oo ay ku aragto deegaanada dagaaladu ka dhacaan ee Jubada Hoose halkaas oo ay dagaal adag kula jirto Al Shabab.

Dhawaan Hey’adaha Xuquuqda Aadanaha ee Caalamiga ah ayaa ugu baaqay Kenya in ay joojiso dilka iyo duqeynta ay u geysaneyso dadka rayidka ah ee magaalada Kismaayo.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here