Amisom iyo hey’adaha amaanka dowlada KMG oo ka showray xaalada amaanka

Kulan looga hadlay amaanka caasimada Muqdisho isla markaana u dhaxeeyey hey’ada amaanka dowlada KMG Soomaaliya iyo taliska AMISOM ayaa ka dhacay xarunta Xalane.

Kulanka ayaa waxaa fadhiyey agaasimaha Hey’ada Nabadsugida Axmed Macalin Fiqi, Abaanduulaha ciidamada milatariga C/kariin Dhagabadan iyo taliye ku xigeenka ciidanka booliska C/kariin Saacid Daahir, dhanka AMISOM waxa goob joog ahaa taliyaha ciidanka Fred Mugisha.

Saraakiisha kulantay ayaa ka hadlay xaalada amaanka Muqdisho iyo sidii loo dar dar gelin lahaa iskaashiga labada dhinac ee ku aadan gudaha caasimada iyo gobolada dalka.

Taliyaha ciidanka Amisom Mr. Mugisha ayaa goobta ka sheegay in hada uu bilowday wajigi labaad ee howlgalka Amisom, isaga oo intaasi raaciyey in amaanka caasimada u suura gashay in ay makaniyaan oo ay adkeeyaan.

Ugu danbeynti waxa goobta lagu soo bandhigay walxaha qarxa iyo dhalinyaro ka tirsan Al Shabab oo ay hey’adaha amaanka ku sheegeen in lagu soo qabtay iyaga oo wata hub iyo bambooyin.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.