AMISOM iyo Ciidamada Dowladda oo u Ruqaansaday Magaalada Jowhar

Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa lasoo warinayaa saaka inay uruqaansadeen Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe halkaasi oo ay ku sugan yihiin ciidamada Shabaab.

AMISOM oo wadata taangiyada dagaalka iyo ciidanka Dowladda oo wata gaadiidkooda yaa lasoo sheegayaa inay ka dhaqaaqeen deeganka qalimoow oo Jowhar 30-Km ujirta islamarkaana ay kusii jeedaan Dhanka Jowhar.

Ciidamada ayaa la sheegay inay kasii gubeen dhanka deegaanka garisaale oo njowhar 16-km ujirta islamarkaana waxaa lasoo sheegaya ain shabaab difaacyo adag ay dhigteen halka lagu magacaabo Koongo oo jowhar duleedkeeda ah.

Xaalada Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa lasoo sheegaya inay tahay mid aad ukacsan islamarkaana ay ka jiraan dhiilo colaadeed oo ku aadan in ciidanka ay weerar soo qaadaan.

Shacabka Magaalada qaar kamid ah ayaa warbaahinta Midnimo.Com  usheegay in xaalada Magaalada ay tahay mid laga dareemayo cabsi xoogan islamarkaana ciidamada Shabaab gudaha magaalada dhaqdhaqaaq ciidan ay ka wadaan.

Saraakiisha Dowladda Soomaaliya majirto faahfaahin ay ka bixiyeen qorshaha duulaanka Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalkaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here