Ameeriko: “mar kasta ma ahan in Soomaalida kaliya la abaaro.”

IMG_0853Danjire Cali Ameeriko, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in Soomaalida qaxootiga ku ah Kenya ay 2 mar dhibanayaal noqdeen.

Mr Ameeriko, ayaa sheegay in Soomaalida qaxootiga ku ah Kenya, ay markii hore kasoo carareen dhibaatada shabaab, hadana gudaha Kenya loogu dhibaateeyo dhibaato ay geysteen shabaab.

“Waa nasiib darro in dadkii Soomaaliyeed ee halkan qoxootiga ku ahaa ay laba jeer dhibane yihiin. Waxay ka soo carareen Al Shabaab iyagoo u soo qaxay Kenya, haddana waxyaabihii ka dhacay Nairobi ee Al Shabaab ay sameysay ayaa iyaga loo dhibaateeyay.” ayuu yiri Danjiraha oo ka hadlay meesha ay marayaan dadka la qabqabanayo.

Waxa uu sheegay in marar badan oo Doowlada Kenya kala hadlay, in dhibaatada amni darida Kenya ka jirta aan Soomaali kaliya loo nisbeyn, balse ay jiraan dad Kenyan ah oo loo qabtay qaraxyo ka dhacay Kenya, kuwaasoo xitaa aan muslim ahayn.

“Waan cadeeyay mar kasta ma ahan in Soomaalida kaliya la abaaro.” ayuu yiri Cali Ameeriko oo sheegay in dadka ay ciidamada Kenya qabqabteen ay ahaayeen kuwii ay Al Shabaab ka soo barakicisay guryahooda Soomaaliya ku yaalay.

Ciidamada amaanka Kenya, ayaa qab qabtay Soomaali gareyso 4,000, kuwaasoo hada kujira Garoonka Kasarani, halkaasoo dhibaato xoogan ay ku haysato.

Laamaha Amaanka Kenya, ayaa mar walbo beegsada Soomalida, waxaana arintaan aad u canbaareeyay Hay’adaha QM iyo beesha Caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here