Ambrosini “Milan wey Sii Ahaan Doontaa Naadi Weyn”

Iyadoo Ac-milan ay waysay maalmo kahor laacibiin lafdhabar u ahaay sida Zlatan Ibrahimovic Iyo Tiago Sliva kuwaasoo ku biiray naadiga PSG ee kadhisan horyaalka dalka Faransiiska, ayaa hadane laacibka da’da kadaba timid qadka dhexana umaamula Massimo Ambrosini waxa uu aaminsanyahay in qiimaha naadiga ku ciyaara funaanada madowga iyo gaduudka isugu jirta uu yahay wali mid jira islamarkaasna qaadi karta koobab wax ku ool ah.

Ambrosini oo raba inuu qanciyo taageerayaasha ku caraysan maamulka Milan ayaa waxa uu yiri “milan hada waxay kujirtaa xaalad kala guur ah, laakiin wali waxaan nahay naadi weyn”.

“Ma aqaano waxa dhici doona mustaqbalka, laakiin isbadalada kubadda cagta caalamka waa mid iska dabiici ah maxaa yeelay laacibiinta ma ahan kuwo waligood joogaya hal koox milan kaligeedna ma ahan naadiga ay katageen ciyaartooy laga jecelyahay ee waxay ku dhacdaa naadiyada oo dhan sida Arsenal Barcelona Man united” sidaa waxaa yiri Ambrosini.

Gudoomiye kuxigeenka Milan Adriano Gilliani ayaa sheegay in naadiga uu ubaahanyahay inuu lasoo wareego ciyaaryahano buuxin kara boosaskii ay baneeyeen labada xidig ee Zlatan Iyo Silva kuwaasoo maalmo kahor kubiiray naadiga PSG kana dhisan horyaalka dalka faransiiska.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here