Ambassador Nur Cade oo shil ku dhaawacmay

Sariirka Soomaaliya u fadhiyo Midowga Europe iyo dalka Talyaaniga danjire Nur Xasan Xuseen (Nur Cade) ayaa xalay ku dhaawacmay shil baabuur oo ka dhacay magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Danjiraha ayaa dhaawacmay marki gaari uu la socday uu ku dhacay gaari kale iyadoo uu dhaawac soo gaaray, dadki la dhaawacmay waxaa ka mid ah darawilkiisa oo lagu magacaabo Mahdi.

Maxamed Nur Xasan oo ah wiil uu dhalay Nur Cade ayaa warbaahinta maxaliga ah u xaqiijiyey dhaawaca aabihiis, waxa uu sheegay in xaaladiisa ay haatan wanaagsantahay, balse muusan faah faahin halka ay wax ka gaareen.

Waa danjirihi labaad oo mudo laba bilood gudahood ku dhaawacma shil baabuur kadib marki dhawaan uu sidaan oo kale u dhaawacmay safiirka Soomaaliya ee magaada Nairobi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.