Ambashador Maxamed Cali America oo ka hadlay shilki uu shalay galay

Safiirka Soomaaliya ee magaalada Nairobi  Maxamed Cali America  ka warbixiyey shil baabuur oo uu shalay ku galay dalka Kenya.

Wareysi uu siiyey mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayuu Mr. America sheegay in shilka uu ku yimid kadib marki geed soo jabay oo ku yaalay wadada dhinaceeda uu keenay in gaari xowli ku socday oo ka cararayey geedka uu markaasi ku dhaco baabuurkiisa.

Wuxuu sheegay in uu dhaawac kasoo gaaray lugta gaar ahaan qoobka iminkana uu aad u wanaagsanyahay.
“Shalay marki aan salaada Jimcaha soo tukaday oo aan soo baxay ayaa jidka laamiga ah aniga oo maraya geed soo go,ay,  geedki ayaa laamiga kusoo dhacay gaari wadada marayey oo geedka ka cararay ayaa baabuurkeyga ku dhacay, waxa dhaawac uu iga gaaray qoobka waa ley daweeyey aad ayaana u wanaagsanahay, waxaan rabaa in aan u mahad celiyo dhamaan umada Soomaaliyeed oo xalay oo dhan isoo wacaysay,” ayuu yiri.

Mr Americo ayaa ah safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya oo ka mid ah dalalka dariska la ah Soomaaliya sidoo kalana ay ku noolyihiin kumanaan Soomaali isugu jirta qaxooti iyo ganacsato.

Waxaa lagu tilmaamaa Safiir Ameerico diblamaasi qunyar socod ah aadna uga shaqeeyey xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, iyo sidoo kale xiriirka Soomaaliya iyo safaaradaha caalamka ee ka howlgala dalka Kenya.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.