Ambashador America oo ka deyriyey xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Kenya Maxamed Cali America oo saakay shir jaraa,id ku qabtay Nairobi ayaa ka deyriyey xaalada qaxootiga Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha Dhadhaab iyo Kaakuma.

Mr. Ameeriko wuxuu sheegay in dhibka heysto qaxootiga uu siyaaday marki ay ka baxeen halkaasi hey’adihi samafalka kuwaasi oo uga guuray arrimo la xiriira amaan dari baahsan.

Hey’adaha samafalka ayaa go,aansaday in ay ka baxaan halkaasi marki qaraxyo lala eegtay qaar ka mid ah gaadiidkooda, kuwo kalana laga afduubay banaanka xerada Dhadhaab inkastoo ay jiraan dad xoog lagu soo furtay.

Danjire Cali Ameeriko ayaa ka codsaday hey’adaha samafalka in ay dib ugu laabtaan xeryaha si loo badbaadiyo nolosha qaxooti badan oo ku tiirsan kaalmada hey’adahaasi, waxa kale oo uu sheegay in madaxda hey’adaha qaar uu la kulmay arimahaasina isku af garteen.

Bishaan gudaheeda ayaa hal xero oo ka mid ah kuwa Qaxootiga ee Kenya laba jeer la gubay taasi oo keentay qatarta kaga imaan karta shaqaalaha gargaarka.

Xerada Dhadhaab ee gobolka Waqooyi bari ayaa ah tan ugu weyn ee aduunyada oo ay ku noolyihiin dad qaxooti ah.
Dadkaasi waxaa u badan Soomaali, waxaana lagu qiyaasaa Soomaalida qaxooti ahaan ugu nool Kenya in ka badan nus milyan.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here