Amb. America oo cambaareeyey hadalki Ongeri

Safiirka Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi danjire Maxamed Cali Ameerica ayaa cambaareeyey war kasoo baxay shalay wasiirka arrimaha dibada Kenya Sam Ongeri.

Wareysi uu siiyey idaacada Radio Muqdisho ee ku hadasho codka Dowlada, ayuu Mr. Ameerico ku sheegay in warkaasi uusan aheyn mid rasmi ah isla markaana aanan wasiirka laga heyn cadeyn muuqaal ama maqal ah, balse ay filayaan inuu beeniyo.

Wuxuu sheegay in maanta ay ka war dhowrayaan in wasiirka arrimaha dibada uu hadalkaasi beniyo ama xaqiijiyo, hadiise uu raali gelin ka bixi waayo ay taasi dhaawaci doonto saameynna ku yeelan doonto xiriirka labada dal.

War lagu soo daabacay wargeyska Daily Nation oo ah kan ugu afka dheer dalka Kenya ayuu Wasiirka Arimaha Dibada Kenya ku sheegay in qaraxyadi Hotel Jazeera uu ka danbeeyey madaxweynihi hore ee Soomaaliya Sharif Sheekh Axmed.

“Doorashadi ka hor, Mr Sharif wuu ila hadlay mudo hal saac iyo bar ah, wuxuu ka codsaday Kenya taageero ah inuu madaxtooyada kusoo laabto, laakin waxaan u sheegay in Kenya aysan taageeri doonin musharax balse ay rabto doorasho xor ah si Soomaaliya ay usoo ceshato nabadeedi ay la,eyd 22-ki sano ee lasoo dhaafay,” ayuu yri Prof Ongeri.

Wasiirka ayaa sheegay inuu la yaabay marki uu madaxweynihi hore ee Soomaaliya Sharif ku arkay Aljazeera Palace Hotel wax yar kadib shilka weerarka ahaa isla markaana uu u muuqday buu yiri nin aanan ka naxsaneyn waxa dhacay.

“Inkastoo Al Shabab ay sheegteen mas,uuliyada qaraxyada, hadana ma garan karo waxa kusoo beegay Sheekh Shariif wax yar kadib qaraxyada waxaana qolka ku filan karnay bambo kale oo qaraxda,” ayuu yiri Prof Ongeri.

Wali Dowlada cusub ee Soomaaliya hadal kama aysan soo saarin arrintaasi.

Xafiiska Wararka Midnimo, webmaster@midnimo.com
midnimo12@googlemail.com.

2 COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here