Amb. Ameeriko oo sameeyay ballanqaad hadii la doorto isaga

Danjire Cali Ameeriko
Danjire Cali Ameeriko

Ambassador Maxamed Cali Ameeriko ayaa hadalkaasi ka sheegay Munaasabad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaalladda Muqdisho oo uu kaga dhawaaqay Musharaxnimada Madaxtinimada Soomaaliya ee sanadkan 2016 ilaa 2020.

Munaasabadaasi oo si heersare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qeyb galay xubno ka tirsan Golaha Baarlamaanka Soomaaliya,.Xisbiyada Siyaasadda, Madaxda Ururada Bulshada Rayidka. Culimaa’udiinka. Odayaasha Dhaqanka, Haweenka iyo Dhalinyarada.

Waxaa ka hadlay mas’uuliyiin magac ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Xldhibaan Maxamad Cumar Dhalxa, Ex Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo hadana ka mid ah Madaxda Xisbiyada Siyaadaeed ee Dalka, Cali Maxamad Nuux ‘Tima-jilac” oo ah Gudoomiyaha Midowga Xisbiyada Siyaasadeed ee Soomaaliya.

Mas’uuliyiintaasi waxay isla qireen Waxqabadka iyo Kartida Maamul ee Danjire Maxamad Cali America oo leh shaqsiyad nadiif ah,isla markaana u qalma Hogaaminta Wadanka.

Musharax Madaxweyne Mudane Maxamad Cali America oo ka hadlay Munaasabaddaasi waxa uu si weyn ugu dheraaday xaaladaha Amni iyo siyaasadeed ee wadanka iyo sida loogu baahan yahay in isbadal muuqda looga hirgeliyo soomaaliya sanadkan 2016 si uu wadanku uga baxo dhibaatooyinkii soo daashaday ulana tartamo asaagiisa dunida horay u martay.

Musharax Madaxweyne Abassador Maxamad Cali America waxaa uu carabka ku adkeeyay inuu balan qaadayo marka la doorto qorshihiisa ugu horeeya inuu ka dhigi doono wax-ka- kaqabashada Amniga iyo Cadaaladda, taasoo markii uu ka dhawaajiyay ay Ka-soo-qeybgalayaashii munaasibadu ay aad sacabka ugu garaaceen Qorshahaasi.

Dhinaca kale, Kooxaha Faneed ee dalka iyo Suugaanleyda ayaa iyaguna munaasibadaasi ka qaaday heeso wadani ah oo ay ku muujinayeen waxqabadkii Diblomaasiyadeed ee uu horey u muujiyay danjiruhu xiligii uu maamulayay safaaradii soomaaliya ee wadanka kenya xiligaas oo dadka soomaaliyeed ay aad ula dhaceen wax qabadkiisii looguna magac daray “Danjirihii Qarniga”

Si kastaba ha ahaatee Hadal haynta Musharax Maxamad Cali America ee ku aadan qabashada xilka madaxtinimo ee Soomaliya ayaa isA soo tareysay todobaadyadii ugu dambeeyay iyada oo ay dadka Soomaaliyeed ku tilmaameen Mas’uulka kaliya ee ay ku han weyn yihiin inay Soomaaliya ka baxdo colaadaha burburka iyo habacsanaanta Dowladnimo iyo Amni-darida ku raagtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here